DIINTA ISLAAMKA IYO SIDA AY U TAAGEERTO DALABKA NOLOSHA DUNIDA.

Islaamka kolkii uu Insaanka u yimid waxa ugu horeeya ee uu bari taaray waxaa ka mid ahaa Kaabayaasha Nolosha iyo in dadkaba loo abuuray in ay Adduunyada Masuul ka noqdaan oo ay iska dhiciyaan lana daalaa dhacaan sidii ay ugu noolaan lahaayeen ogana raadsan lahaayeen Nolol u qalanta iyo Nimco ay ku naalloodaan.

Diinta islaamka

Fahamyada Khaldamay waxaa ka mid ah in kololka qaar Dadka Islaamka ah magac Diimeed looga hor istaago in ay Adduunyada ka shaqeeyaan kuna fakaraan Horomarinteeda.
Taasina sax maaha waayo Eebe wuxuu yiri:-

“وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ ٠٠”
“Bal xus waqti uu Rabigaa Malaa’igta u sheegay in uu Dhulka Khaliif iyo Maamule oga dhigayo Insaanka…”.

Islaamku wuxuu dadka baray in Ilaahay Dunida uga yeelay mid iyaga u dullaysan oo ay Caqligooda iyo Cilmigooda oga jibba keeni karaan oo ay Nolol iyo Arsaaqad ay raalli ka yihiin ka samaysan karaan.

“هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِنْ رِزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ”
“Eebe waa midka Arlada idiinkaga dhigay mid idiin dulleysan ee inta gees walba kaga socotaan ka doonta oo ka cuna Risqiga Eebe idiin dhigay,ogaadase in ay jirto Nolol Geerida ka dambaysa oo Alle xagii laydinku soo kulmin doono”.

“هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُم مَّا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا..”
“Eebe waa midka idiin abuuray oo idin dhaxalsiiyay dhamaan wax kasta oo Dhulka oogasiisa saaran”.

وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مِّنْهُ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ (13)
“Wuxuu Eebe idiin sakhiray wax kasta oo Samaawaadka iyo xaggaa sare ka muuqda iyo wax kasta oo Dhulka ku sugan dhamaantood,arintaana caddeyn jiraalka Eebe ah ayaa ugu sugan Qoom kasta oo fakaraya oo Caqliga ka shaqaysiinaya”.

“وَالْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ” (10)
“Eebe Dhulka wuxuu u sameeyay Noolaha”.
-Yacni in ay dagaan oo ku dhaqmaan oo ay ku noolaadaan-

Ma jirto meel kaliya oo uu Islaamku ku hor istaagay Nolosha Aadanaha iyo in Dadku danahooda Adduunka ka shaqaystaan oo ay horomariyaan habsami u socodka Noloshooda.
Kaliya Islaamku wuxuu ka digay in lagu kibro nolosha Dunida oo Dulmi iyo tacaddi lagu sameeyo,oo aysan dadku isa siinin isna wada raacinin Adduunyo ay ka guurayaan oo ay waqti yar uun ku leeyiiin.

“قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (32)

“Waxaad ku tiraahdaa oo yaa xarrimi kara Quruxda nolosha ee uu Eebe u soo saaray Addoomadiisa iyo in quutaan Arsaaqadda kuwooda ugu wanasgsan,waxaad u sheegtaa in kuwa Eebe rumeeyay ay wax ku leeyihiin oo ay ka manaafacaadsanayaan Dunidan dhow Nolosha Aakhiro iyo nimcadeedana ay iyaga gaar u tahay,sidaas ayaan aayadahayaga ugu kala dhigdhigaynaa qoomkii wax garanaya”.

Islaamku wuxuu dhiiri galiyay Aqoonta iyo Cilmiga oo ah Astaanta Horomarka oo uu sheegay in aysan Jaahil iyo Aqoonyahan kolna sinmeynin.

“قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ (9)
“Waxaad ku tiraahdaa oo miyay siman yihiin kuwa wax garanaya iyo kuwa aan waxba garaneynin,xaqiiqdu waxay tahay waxaa uun waansama oo wax ku qaata waayaha kuwa Caqliga iyo Garashada leh”.

Islaamku wuxuu taban-taabiyay oo uu tirtirsiiyay Kasabka iyo shaqada oo ah bu’da wax soo saarka iyo tanaadnimada.

‎وَلَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبُوا ۖ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبْنَ ۚ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِن فَضْلِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا (32)”
“Ha naawilina waxa aan qaarkiin qaarka kale dheereysiinay,raggu waxa ay leeyihiin wixii ay shaqaystaan,dumarkana waxa ay leeyihiin waxa ay shaqaystaan,oo ilaahay dheeraad waydiista waa mid wax kasta oge”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-
‎”((لأن يأخذ أحدكم حبله فيأتي بحُزمة الحطب على ظهره، فيبيعها فيكفَ الله بها وجهه،خير له من أن يسأل الناس أعطوه أم منعوه))رواه البخاري والحديث صحيح”
“In uu midkiin xarigiisa qaato oo uu xirmo xaabo ah degta u soo rito oo uu iibiyo oo uu Alle kaga deeqo baryada dadka ayaa u dhaanta inuu dadka wax weydiisto ama ha siiyeen ama ha u diideene”.

Ambiyadii Ilaahay Aadanaha u soo diray waxay ahaayeen kuwo Shaqaysta oo aan waliba ka faanin Shaqo kasta oo ay Noloshooda ku dabarayaan.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“ما بعثَ اللَّهُ نبيًّا إلَّا راعيَ غنَمٍ، قالَ لَهُ أصحابُهُ: وأنتَ يا رسولَ اللَّهِ؟ قالَ: وأَنا كُنتُ أرعاها لأَهْلِ مَكَّةَ بالقَراريط قالَ سُوَيْدٌ: يعني كلَّ شاةٍ بقيراطٍ”أخرجه البخاري (2262)، وابن ماجه (2149) .
“Ilaahay Nabi ma soo dirin,Illaa wuxu ahaa Ari raace,Asxaabtii ayaa tiri:-xitaa adiga ma Ari jire ayaad ahayd?markaa ayuu Rasuulku scw ugu jawaabay haa waxaan ahaa mid Reer Maka Ariga ugu raaca Sunuud yar”.

Rasuulka scw wuxuu kaloo yiri:-

‎”كَانَ دَاوُدُ عليهِ السَّلامُ لا يَأْكُل إِلاَّ مِن عَملِ يَدِهِ” رواه البخاري.
“Nabi Daa,uud cs wuxuu ahaa mid aan cunin wax ka baxsan kasabka gacantiisa”.

Rasuulka scw waxa kale oo uu yiri:-

‎ “كَانَ زَكَرِيَّا عليه السَّلامُ نجَّاراً” رواه مسلم
“Nabi Zakariye cs wuxuu ahaa Farshaxan”.-Alwaaxda ayuu Sariiro,Kuraas,Miisas iyo Agabka Aqalada la dhigto ka Sameyn jiray oo uu iibin jiray.

Rasuulka scw wuxuu mar kale yiri:-

‎ “مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَاماً خَيْراً مِن أَنَ يَأْكُلَ مِن عمَلِ يَدِهِ”رواه البخاري.
“Qofna ma cuno cunto ka khayr badan wixii ay gacmihiisa soo shaqeeyeen”.

Xitaa Haweenka Islaamku kama reebin in ay ka qayb qaataan Kasabka iyo shaqada si ay noloshooda hore ugu dhigaan.

‎وعن جابر رضي الله عنه قال:-طلقت خالتي فأرادت أن تجد نخلها فزجرها رجل أن تخرج فأتت النبي صلى الله عليه وسلم فقال : بلى فجدي نخلك فإنك عسى أن تصدقي أو تفعلي معروفا )
“Saxaabiga jaabir rc wuxuu yiri:-habaryartay baa la furay kolkaasay damacday inay beerteeda ka shaqaysato,nin ayaa damcay inuu u diido markaasay u timid nabiga scw ooy arintaa u sheegtay,kolkaasuu ku yiri nabiga scw:-ka shaqayso beertaada waxaa dhici karta inaad waxa kaa soo gala aad qaarna sadaqaysato qaarna aad si kale wax kuu haboon aad ugu qabsato”.

Isku soo wada duuboo waxaa Muhiim ah in ay cid waliba ogaato in uusan Islaamku kolna uusan dhibaato ku ahayn habsami u socoshada Nolosha dabiiciga ah ee Aadanaha iyo inta ay uunka wada saaran yihiin.
Bal ee uu dhiiri galiyay in insaanka shaqada ay Dunida ka hayaanba ay qayb muhiim ah ka tahay waxyaabihii loo unkay Ee uu Rabbi u diray iyaga.

‎وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا.”
“Dhab ahaantii waan karaameynay bani,adamka,waxaanan ku xambaarnay Berri iyo Badba;waxanan ku irsaaqnay waxyaalaha wan wanaagsan,oo waxanan ka fadli badneysiinay in badan oo ka mid ah wixii aan abuurnay”.

Kaliya Insaanka waxaa laga doonayaa in iyaga oo Adduunyadooda wata aysan Aakhiradooda halmaamin oo ay Rumeeyaan Rabiga isugu qoofalay Nolosha ay haystaan Ogana mahad celiyaan Nimcada nolosha iyo caqliga iyo garaadka uu ku manaystay ee uu kaga duway khalqiga intiisa kale,isla markaana aysan is dulminin dhexdooda oo aysan Dunida ku fasahaadinin Dulmi iyo Dambiyo.

W/Q: Cabdulaahi Maxamed xuseen

Leave a Comment